Barnaamijka Horudhaca ah ee "Building Blocks of Stability"
CAAWI DABARGOYTA GAAJADA
Barnaamijka Horudhaca ah ee "Building Blocks of Stability"
Second Harvest Heartland, waxay ku dadaalayan inaynu dabadgooyan gaajada ka jirta dhamaan gobolka Minnesota. Haddada la joogo, mid kamid ah 5tii qoyba ayaa ku dhibaateysan iney iibsashada cuntooyinka ay u baahan yihiin.
Waxaanu ognahay mihiimada ay leedahay ka bixitaanka caqadahaas maalinkasta, sidoo kale bulshadeenu waxay u baahan yihiin qorshe ay ku fikiraan mustaqbalkooda. Sidaa daraadeed, waxaan rabnaa inaan kaa caawino dhismaha mustaqbal aadan ka welwelin raashinka aad cuni lahay berito. Waxaan iskaashanay ururka Catholic Charities of St. Cloud si aan u bilowno barnaamij cusub oo hal sano ah. Waxaan dooneyna inaan barano qaababka ugu wanaagsan ee loo caawin karo bulshadeena.
Si shaqadan u suurto gasho, waxaan u baahan nahay caawinaadaada. Hadaad ku soo biirto barnaamijka, kaliya ma caawinaysid qoyskaaga. Sidoo kale Waxaad nala wadaageysa waxyaabaha waxtarka kuunoqday si aan u caawino dadka ku nool daafaha Minnesota.
Maadaama uu barnaamijkani yahay mid khaas ah, waxaa jira saddex sharuudood oo lagugu aqbalikaro:
- Si aad uga qayb qaadato waa inaad caawimaad ka heshaa goobaha cuntada lagu bixiyo (food shelf) ama gaariga wareega ee cuntada ee Catholic Charities of St. Cloud.
- Waa inaad ku nooshahay mid ka mid ah deegaanadan (Counties): Todd, Morrison, Stearns, Benton, ama Sherburne.
- Waa inaad tahay 18 sano ama ka weyn.
Haddii aad iska diwaangeliso, waxaa lagugu meelayn doonaa kooxo si nasiib ahaan ah loo xulay. Tani waxay naga caawinaysaa inaan isbarbardhigno noocyada taagooro eekala duwan si aan u aragno qaybaha ugu waxtarka badan.
Caawimaada aad heleyso waxay ku xidhantahay kooxaha lagugu qoray. Caawimaad yada waxaa kamid ah:
- Kaalmo Lacageed (Cash): Si ay kaaga caawiso bixinta kharashka raashinka ama bilo kharasheedka.
- Caawinaad qof qof ah (One-on-one help): Oo ku saabsan baahiyaha kale ee aad qabto.
Lacag-bixin (Payments): Oo lagugu siinayo ka jawaabista su'aalo cilmi-baarista ee ku saabsan khibradaada.
Ku soo biirista barnaamijkan waa mid adiga kugu xiran. Haddii aad doorato inaadnaan ku soo biirto, wali waxaad awoodi doontaa inaad raashin iyo caawinaad ka hesho Catholic Charities sidii caadiga ahayd. Ku soo biiristaadu waxba kama beddeli doonto adeegyada aad hadda hesho.
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah, fadlan nagala soo xiriir iimaylka - StabilityPilots@2harvest.org
Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo ee Barnaamijka Dhismaha Xasiloonida
Hadaanu nahayecond Harvest Heartland, himiladeennu waa in la dabargooyo gaajada ka jirta Minnesota. Haddadan la joogo shantii qoysba mid kamid ah ee kunool gobolkeena ayaa ku dhibaateysan sidii ay u iibsan lahaayeen cuntada ay u baahan yihiin. Waxaan rabnaa inaan dhisno mustaqbal ay qoysasku ka welwelin cuntaday cuni lahaayen barito, sidaas darteed waxaan raadineynaa xalal si aan u hubinno in qof kasta oo Minnesota ku nool uusan gaajoon
Waxaan go’aamin doonaa u-qalmitaankaaga barnaamijka iyadoo lagu saleynayo macluumaadka aad na siiso. Marka aan helno ka-qaybgalayaal ku filan, xogta (iyadoo laga saaray macluumaadka aqoonsiga) waxaa lala wadaagi doonaa cilmi-baarayaashayada, kuwaas oo si random ah dadka ugu qaybin doona kooxaha daraasadda. Marka laguugu daro koox, waanu kula soo xiriiri doonaa si aan kuugu sheegno, waxaana markaas dooran kartaa inaad ka qayb gasho barnaamijka ama aad diido. Haddii aad oggolaato ka-qaybgalka, waxaan kuu qorshayn doonaa kulan isdiiwaangelin ah. Kulankani waa inuu ahaadaa fool-ka-fool, maadaama aan u baahanahay inaan hubinno dukumentiyo yar oo aad saxiixdo foomam qaarkood.
Waxaan kula soo xiriiri doonaa bilowga Agoosto email ama telefoon si aan kuugu sheegno kooxdaada.
Haa, tani waa mashruuc cilmi-baaris ah. Faa’iidada cilmi-baaristu waa in tallaabooyin la qaado si ka-qaybgalayaashu u helaan fa'idooyinka ugu badan iyadoo layareynayo khatar kasta. Faa’iidinka kale waa inaanu kueelan kanro kalsooni natiijooyinka barnaamijkan oo aanu u adeegsan karno sidii loo yareyn lahaa baahiyaha cunto ee Minnesota iyo deegaanada kalaba.
Macluumaadka aad nala wadaagto waxaa si ammaan ah loogu kaydin doonaa kayd xogeedka Second Harvest Heartland. Waxaa laga saari doonaa xog kasta oo aqoonsi ah (magacaaga iyo xogta xiriirka), waxaana kaliya lala wadaagi doonaa Jaamacadda Minnesota si loo falanqeeyo iyo shaqaalaha Second Harvest Heartland si loo maamulo barnaamijka.
Barnaamijku wuxuu soconayaa hal sano, Agoosto 2026 ilaa 27ka Luulyo. Waxa kale oo aan la socon doonaa ka-qaybgalayaasha muddo sanad iyo bar ah kadib. Waxaa lagu weydiin doonaa oo keliya inaad mararka qaar buuxiso sahanno muddadaas. Waxaad sii heli doontaa lacag dhammaan sahannada aad buuxiso muddada dabagalka.
Dhammaan ka-qaybgalayaasha waa inay buuxiyaan sahanno 3 ilaa 4 bilood kasta. Hawlaha kale waxay ku xiran yihiin kooxda laguu qoondeeyay. Haddii aad aqbasho ka-qaybgalka kooxda laguu qoondeeyey, waxaa jiri doona kulan isdiiwaangelin ka hor inta barnaamijku bilaaban si laguugu sharaxo faahfaahinka barnaamijka. Waxaad diidi kartaa ka-qaybgalka ama ka bixi kartaa barnaamijka wakhti kasta aad doonto.
Wadarta guud waa shan kooxood. Afar ka mid ah kooxahan waxay heli doonaan adeegyo dheeraad ah sida kaalmo lacageed iyo/ama caawimo shaqsiyeed. Kooxda shanaad ma heli doonto adeegyo dheeraad ah, kaliya lacagta su-aalaha sahannada ee cilmi baaqista. Kooxda shanaad waxay naga caawinaysaa inaan fahamno farqiga u dhexeeya kooxaha helaya adeegyada dheeraadka ah.
$150 sahankiiba, wadar ahaan waa sagaal sahanno oo muddo 30 bilood ah. Waxaad heli doontaa $1,350 haddii aad dhamaystirto dhammaan su-aalaha cilmi baarista.
$500 bishii, oo muddo 12 bilood ah.
Fadlan la wadaag boggan www.2harvest.org/stabilitypilots-soomaali ama sii flyer ama kaar, waxayna iska diiwaangelin karaan QR code ama web addresska.
Hal qof oo keliya ayaa iska diiwaangelin kara qoys kiiba.